Dhageyso:-Wasiir Fiqi”Madaxda Dowladda lagama aqbalaayo muddo kororsi”

FIQI
WASIIRKA AMNIGA GALMUDUG AXMED MACALIN FIQI

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Galmudug Axed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadii doorashada Soomaaliya ay waqtigeeda ku dhici weyso ay qatarteeda leedahay,isla markaana ay sababi karto qalalaaso siyaasadeed.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka uu muddo xileedkooda uu yahay Afar sano waqti kalena aysan ku darsan karin,waxaana uu laalay oo uu sharci darro ku tilmaamay qorsho ay wadaan guddiga doorashooyinka Qaranka ee dhawaan lagu soo bandhigay Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay tahay muhiim in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo lagana aqbaleyn muddo kororsi Madaxda Dowladda Soomaaliya ee talada dalka heysa.