Cristiano Ronaldo oo laba gool dhaliyay xili Juventus ay badbaaday

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay labo rigoore iyadoo Juventus ay ka badbaaday cabsi badan iyadoo sideed dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Serie A ka dib barbaro ay la galeen Atalanta.

Kooxda martida ah ayaa xakameysay mudada dheer ciyaarta, waxaana labo jeer kubado ku sigay Duvan Zapata iyo Ruslan Malinovskiy.

Si kastaba ha noqotee, Ronaldo ayaa goolashiisa gaarsiiyay 28 gool 28 kulan oo horyaalka ah isagoo dhaliyay laba rigoore kulankii xalay.

Kooxda kaalinta labaad ee Lazio ayaa guuldarro 2-1 ka soo gaartay Sassuolo.

Atalanta, oo dhalisay 19 gool in ka badan kooxaha kale ee horyaalka talyaaniga xilligan, ayaa laba jeer u soo muuqday kuwa kaalmaha sare imaan kara.

Kubadda gacanta kaga dhacday Marten de Roon ayaa Ronaldo ku dhaliyay rigoore goolkiisii ugu horreeyay.

Ronaldo, oo aamusnaa inta badan kulankaan, ayaa u rogay gool rigooradiisii labaad ee xalay ka dib kubad kale uu qaldkeeda lahaa Luis Muriel.