Turkiga oo sheegay sida lagu joojin karo dagaalka libya

Dowlada ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay ee Liibiya ayaa aqbali doonta xabad joojin kaliya Haddii Ciidamada General Khalifa Haftar uu kala baxayo gobolada dhexe iyo galbeedka dalka, sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee DalkaTurkiga.

Mevlut Cavusoglu oo la hadlayey Wargeyska Maalinlaha ah ee Financial Times ayaa wuxuu sheegay, in Dowladda Wadatashiga Qaranka oo uu hoggaamiyo Ra’iisel Wasaare Fayez al-Sarraj ay ka go’an tahay inay dib u bilowdo weerarkeedii ka dhanka ahaa ciidammada Haftar ilaa ay kabaxayaan magaalada dekeda ah ee Sirte iyo garoon diyaaradeed Jufra.

Cavusoglu wuxuu tilmaamay in Russia ay soo bandhigtay xabbad-joojin intii lagu jiray wada-hadalladii Istanbul ee bishii la soo dhaafay.

Wuxuu yiri “markii Ankara ay la tashatay Dowlada Qaranka, saraakiisha Liibiya waxay cadeeyeen shuruudohooda Sirte iyo Jufra iyo in ciidamada General Haftar ay dib ugu laabtaan” ayuu yiri.

Laga soo bilaabo Abriil 2019, ciidamada Haftar ayaa waxay weerar ku hayeen caasimada Liibiya ee Tripoli iyo qaybo kale oo waqooyi galbeed ee Dalka Libya ah, taasoo dhalisay dhimahada in kabadan Boqol kun oo qof oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Dowladda Liibiya ayaa dhowaanahan gaartay guulo la taaban karo, iyada oo xoogagga Haftar Qayba badan oo wadankaasi ah ka saartay.