Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil mid kamid ah ilaaladiisa uu Muqdisho ugu geystay Shaqaalo ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya,kaas oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabduqaadir Cilmi.
Wasiirka waxaa uu sheegay inhaatan gacanta lgu haayo askariga dilka geystay, isla markaana Cadaaladda uu mari doono,waxaana uu u tacsiyadeeyay qoyska iyo bahda Xeer ilaalinta Qaranka oo uu ka tirsanaa mas’uulka la dilay.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu digniin adag u diray Ciidamada mar walba dilalka geysta,waxaana saraakiisha Ciidamada uu ugu baaqay inay ciidamada siiyaan tababaro ku aadan sidii ay Shacbaka ula dhaqmi lahaayeen.



