Liverpool Oo RIKOODH Weyn Laga Jabiyay Xilli Ay Taako Kala Kulmeen Burnley

Liverpool ayaa laga jabiyay rikoodhkeedii guulaha isku xigxiga ee horyaalka Premier League ee garoonkeeda Anfield ka dib markii ay barbaro 1-1 ah kala kulmeen kooxda Burnley. Iyadoo la soo gabagabeeyay 24 kulan oo isku xigta oo ay Reds ku badisay garoonka Anfield kulan Premier League ah.

Markii ugu danbeysay ee ay Reds dhibco ku dhumiso garoonkeeda Anfield waxay aheyd bishii Janaayo 2019.

Natiijadaan ayaa la micno ah in kooxda horyaalka qaaday ee Reds ay leedahay 93 dhibcood iyadoo seddex kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka horyaalka, haddii Liverpool ay badiso seddexda kulan ee u haray waxay xilli ciyaareedka ku dhameysan doontaa 102 dhibcood iyagoo jabin doonta rikoodhka ugu dhicaha badan taariikhda horyaalka ee hal xilli ciyaareed oo ay 100 dhibcood ku heyso Man City.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Reds sidii la filayay ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolal wakhti hore ah xilli ay Burnley kulanka u soo gashay daafac adag.

Reds ayaa sida biyaha u heshay fursado wakhti hore ah iyaga xiddigaha Salah, Firmino iyo walibaa sadio Mane heleen fursado badna oo cajiib ah laakiin Goolhayaha Burnley ayaa mucjiso ku noqday waliba sameeyay badbaadino aan la aamini karin.

Kooxda Liverpool ayaa dhankeeda si weyn marar badna halis loo galiyay goolkeeda iyada oo kooxda Burnley samaysay fursado ay goolal kaga dhalin gaadhay kooxda Tababare Klopp.

Kadib iskuday badan iyo raadin badan Liverpool ayaa daqiiqadii 34-aad hogaanka u qabatay ciyaarta markii Andy Robertson uu madax qurxoon ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Fabinho.

Burnley ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybtii hore ee ciyaarta halis galisay Liverpool kadib markii ay xiddigaha Liverpool u muuqdeen kuwo ka seexday dhanka daafaca Goolhaye Alisson ayaana sameeyay badbaadino yar.