Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aanka madasha ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka iyo shirka wadatashiga ah ee Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay ku lee yihiin magaalada dhuusamareeb.
Waxa uu sheegay in madashu ay soo dhaweyneyso wadahadal walba oo horseed u noqan kara in la helo wax heshiis lagu yahay, isaga oo dowladda federaalka ugu baaqan in ay si faahfaahsan uga jawaabto arrimaha doorashooyinka qaranka.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowlad goboleedyada in ay xoojiyaan wadatashiyada la xiriira doorashooyinka iyo samata bixinta qaranka islamarkaana ay ka qeyb galiyeen dhammaan umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Madaxda maanta tallada heysa in ay si toos ah ugu fashilantay qabashada doorasho xor ah.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi looga baahan yahay in ay dalkooda badbadiyaan haddii Madaxda maanta ay ku guuldareysteen.
Waxaa uu xusay in doorashada Soomaaliya maanta uu ka taagan yahay jahwareer badan, islamarkaana loo baahan yahay tallo loo mideysan yahay.



