Wasaaradda waxbarashada ee Kenya ayaa shaacisay in Iskuulada dib loo furin sannadka nagu soo aadan ee 2021-ka.
Wasiirka waxbarashada ee Kenya George Magoha wuxuu sheegay in imtixaanaadka shahaadiga ee fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose ee dhexe iyo fasalka 4-aad ee dugsiga sare la qaban doono sannadka nagu soo aadan.
Halka jaamacadaha iyo koleejyada dib loo furayo bisha September ee sannadkan iyadoo la raacayo talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo cudurka Covid-19, sida ay sheegtay dowladda.
Iskuulada Kenya ayaa la xiray bishii March kaddib markii dalkaas uu diiwaan geliyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona.
Shaley ayay aheyd markii Madaxweynaha Kenya uu xayiraadda dhanka safarka ka qaaday magaalooyinka Nairobi, Mombasa iyo Mandheera.



