Madqxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor oo haatan ku sugan degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo Wafdi uu Hogaaminayo qeybna ay ka yihiin Xubmo kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa lagu wadaa in maalinta Birito ah ay dib ugu laabtaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa safar dhinaca Dhulka ah uga amba bixi doona Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa.
U diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa ayaa si weyn caawa looga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb iyada oo Bulshada in tooda badan ay hadal hayaan soo dhoweyntiisa.
Dhinaca kale Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa marti galin Doonta 9 Bishaan july Shir gaar ah oo u dhaxeeya Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka dowladda Fadaraalka Soomaaliy,kass oo looga hadli doona Arrimaha dorashooyinka Dalka ee hadda uu khilaafku ka taagan yahay iyo sidii loo wajihi lahaa Shirka guud ee Amniga Qaranka.



