Ciidamo ka tirsan Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo la xiriira dhanka Amniga waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kaas oo la sheegay inay dad badan ku qab qabteen.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeein in howlgalka uu ahaa mid Guri guri loo baarayay,isla markaana u jeedku ahaa sidii amniga loo xaqiijin lahaa.
Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta u sheegay in ay howlgallada ku qabteen in ka badan 10 Ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in guryaha qaar ee dadka laga soo qabtay laga helay hub iyo jaakadaha loo adeegsado Qaraxyada,kuwaas oo la doonayay in weeraro looga fuliyo Magaalada Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ee Gobolka Bari.
Dadka la xiray ayaa waxaa la geeyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay baaritaano ku hayaan cidii dambi lagu waayana la siideyn doono.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa horay uga dhacay falal amni darro oo uu kamid haa weerar ismiidaamin ahaa oo lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Bari iyo Xubo kale.