Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ugu badan ee dhimashada coronavirus ee dunida iyadoo ay ku dhinteen 63,000, waxaa uu ka sara maray tirada dhimashada Boqortooyada Ingiriiska.
Guud ahaan Cudurka ayaa ku dhacay dalkaasi 1.5 Milyan oo qof oo ku sugan dhammaan gobolada dalka Baraasiil.
Dalka Mareykanka oo kaliyah ayaa ka horreeya dhimashada dunida dalka Baraasiil sidda ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka ee Adduunka.
Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in cudurka uu si ba’an u faafay ka dib markii dowladda ay diiday in xayiraad lasoo roggo.
Ugu yaraan 11 milyan oo qof ayaa la xaqiijiyey in ay qabaan cudurka ‘coronavirus’ adduunka oo in kabadan 6.2 milyan ayaa soo kabsaday.