Saraakiil gaartay Guriceel & Wafdi ku wajahan

Wafdi uu Hoggaaminaayo Taliyaha Booliska Galmudug Janeral Bashiir Abshir Geedi ayaa gaaray Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Wafdigaan ayaa Magaalada ku soo dhaweeyay Saraakiil ay horkacayaan Taliyaasha Booliska Guriceel,Matabaan iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintan ayaa hordhac u ah wafdi ballaaran uu hugaaminaayo madaxweynaha Galmudug Axmed Abdi Kaariye Qoorqoor oo ku wajahan maanta magaladaas.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaana lagu wadaa in uu gaaro Magaaladas saacadaha soo socda.

Amaanka degmada Guriceel ayaa Maanta aad loo ad keeyay,waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug.