Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay Xaaladda doorashooyinka dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlay Munaasabad lagu xusaayay maalinta Xurnimada Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadlay Xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka waxaa uu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ee waqtigiiso gabaabsiga yahay  in ay ku fashilantay in doorasho ay diyaariso.

Waxaa uu xusay in dadka Soomaaliyeed maanta aysan seegin tallada oo ay ka wada hadlaan sidda la yeelaayo, maadaama doorasho aysan diyaar u aheyn Madaxda maanta.

Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxda tallada heysa in aysan dalka dhibaato u horseedin oo la qabto doorasho lagu wada qanacsan yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Ugu dambeyntii waxaa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilgaar ah ku eegaan Xaaladda dalka, islamarkaana ay wadatashi yeeshaan inta ay jirto  Muddo xileedka gabaabsiga ah ee Madaxda maanta.