Tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee Itoobiya oo kordhay

Milateri Itoobiya ayaa waxaa loo daadgureeyay caasimadda dalkaas si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in tan iyo habeenkii Isniinta ay ku dhinteen qulqulatooyinkaas rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu ninkaas ka soo jeeday ee Oromiya.

Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa, kaas oo isagoo gaarigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta.

Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed xabsiga loo taxaabay.

Ilaa iyo haatan ma ay cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo.

Hasayeeshee booliska ayaa sheegay inay dilka ninkaasu u xireen laba qof.