Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay inay Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 23 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 910 Ruux.
Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 10 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Puntland 9, Soomaaliland, qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 2,904.
Waxaa sidoo kale wasiir fowsiya ay cadeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeysay ay jirin bukaan u geeriyooday COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 90 qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.