Dhageyso:-Puntland oo fagaaro ku burburisay Khami farabadan

Taliyaha Qeybta Booliska Goblka Bari ayaa Goob Joog ka ahaa Goob Fagaaro ah oo Maanta lagu burburiyay Dhalooyin Khamri ah Oo Ciidamada Booliska Gobalka Bari ay Gacanta ku soo dhigeen.

Khamrigaan oo aad u farabadan ayaa howlgal Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay sameeyeen lagu soo qabtay,xilli lagu soo Qariyay Boorsooyinka ay qaataan Dadka Rakaabka ah ee yimaada Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Calli Maxamuud ayaa hegay in ay marwalba ka hortegi doonaan wax walba oo lagu dhibaateeynaayo Bulshada Gobalka Bari.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu digniin u diray dadka ka Ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha Khamriga ee inta badan soo geliya Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobolka Bari.