Wararkii ugu dambeeyay Ciyaarta Real Madrid & Barcelona

Real Madrid waxay rajaynaysaa inay laba dhibcood oo nadiif ah ka sare marto Barcelona, waxaanay diiwaangashan doontaa kulankii shanaad oo xidhiidh ah marka ay caawa u safarto RCDE Stadium, halkaas oo ay ku sugayso Espanyol oo ka ordaysa inay dib ugu dhacdo heerka labaad.

Los Blancos oo kaalinta labaad kaga jirta miiska kala-sarraynta, hal dhibicna ka hoosaysa Barcelona oo kulankeedii Sabtidii barbarro la gashay Celta Vigo, waxay fursad u haysataa inay laba dhibcood ka hor marto Blaugrana waase inay guul ka keento ciyaarta caawa.

Laakiin Espanyol oo aan ka dhicin sallaanka LaLiga intii ka dambaysay xili ciyaareedkii 1993-94, waxay wax walba u samayn doontaa sidii ay ugu yaraan dhibic ugu heli lahayd garoonkeeda, si xili ciyaareedka 2020-21 ay ugu sii sugnaado horyaalka, balse dhibaatadeedu waa mid qoto dheer oo kasoo bilaabantay bilowgii horyaalka, iyadoo 24 dhibcood oo kaliya kasoo urursatay 31 ciyaarood oo ay dheeshay.