Ciidamada Haramacad oo oo fuliyay howlgal gaar ah

Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad iyo Ciidamada Nabadsugidda ee ku sugan Degmada Beledxaawa ayaa maanta waxaa ay fuliyeen howlgal gaar kaas oo laga sameeyay Tuulada Caracase oo qiyaastii 30km u jirta Degmada Baladxaawo.

Ujeedka Howlgaladan ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa sidii Al-Shabab looga saari lahaa deegaannada hoosyimaada Beled-Xaawo.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke,isaga oo sheegay in ciidanka ay gaari doonaan Dhamaan Goobaha ay kaga sugan yihiin  Al-Shabaab Gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa xusay in howlgalkii maanta uu ahaa mid qorsheysan oo ay bartilmaameedkoodu ka fuliyeen goobo cayiman, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, uuna ka codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta Ciidanka.