Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa waxa ay maanta kala wareegtay hay’adda World Vision 3,000 oo unugyada lagu baaro COVID-19 kuwaasi oo loo adeegsado mashiinada GeneXperts ee yaala gobolada dalka.
Unugyadan ayaa ka caawin doona Dawlad Goboleedyada aan wali laga hirgelinin baaritaanka COVID-19 in ay helaan shaybaar lagu baari karo COVID-19.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha la tacaalaya cudurka safmarka ah ee Coronavirus,waxaana Soomaaliya laag helay kiisas badan,kadib baaritaano la sameeyay,halka kuwo kale ay la jiifaan.



