Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay goob fagaaro ah oo ku taalla degaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ku toogtee wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool degaankaas.
Al-Shabaab ayaa wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo lagu Magacabi jiray Xasan Daahir Mire oo ahaa 23 sana jir ahaa waxaa ay ku eedeeyeen in uu ka tirsanaa Sidroonka Dowladda Soomaaliya,isla markaana la soo qabtay,isaga oo ku guda jira howshisa Shaqo.
Qaar kamid ah Shacabka ku nool degaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa goobjoog ka ahaa goobta Wiilkaasi lagu toogtay,waxaana saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugnaa ay goobta ka sheegeen in dambiga loo heysay uu qirtay kana howlgallayay gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.
Maalin ka hor ayay aheyd markii degaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ay Al-Shabaab fagaaro ku yaalla degaankaasi ku fuliyene xukun karbaash ama jeydal ah laba Nin oo ay ku eedeeyeen inay Gabar yar kufsi u geysteen.
Al-Shababa ayaa horay waxaa ay degaano ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku toogteen dad isugu jira rag iyo dumar,kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageera.



