Madasha Xisbiyadda Qaran oo sheegtay in hoggaanka dalka uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo Cod ah

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ay ka soo saareen Doorashada dalka waxay ku sheegeen walaaca ay ka qabto sida dowladdu uga cagajiideyso qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacdo oo heshiis lagu yahay.

Waxay ugu baaqeen Baarlamaanka in aysan ansixin xeerarkii uu soo gudbiyay Guddigii wadajirka ahaa , ayna dalka iyo deegaanadaba u horseedeyso qalalaase iyo degenaansho la’aan xalintiisu adkaato muddo dheer.

Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa sheegtay in hoggaanka dowladda Soomaliya uu ku fashilmay qabashada doorasho qof iyo Cod ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga tashado.

Waxa ay sidoo kale ka Codsatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan ansixin qodobo ka mid ah kuwii ku xusnaa xeerka doorashooyinka Qaranka oo abuuri kara Xasiilooni daro Siyaasadeed.