Shabaab oo xukun ku riday labo ruux oo lagu eedeeyay kufsi

Sidda ay shaacisay Warbaahinta taageerta Al-Shabaab Maxkamad ay leeyihiin ururka Al-shabaab oo ku taalla degaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa xukuntay rag ay ku eedaysay in ay kufsi ka gaysteen Degaankaas.

Labada eedaysane oo lagu kala magacaabo Maxamed Yuusuf Maxamed iyo Cabdifitaax Salaad Cabdi  ayaa midkiiba lagu xukumay min 100 jeedal maadaama aysan soo marin guur hore sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab.

Waxaana intaasi u sii dheereyd in degaanka muddo sanad ah  laga masaafuriyay degaanka Galhareeri.

Goobta xukunkaan uu ka dhacaayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacaayay.