Soomaaliland ayaa Maanta oo Arbaco ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 85 ruux,balse Cudurka laga helay 13 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 9 Rag ah Afar Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 6 Ruux Magaalada Hargeysa, hal 7 kale ay ku sugan yihiin Magaalada Boorama.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 593 Ruux 64 Qof ay ka bogsoodeen halka 27 Ruux ay u geeriyoodeen halka ay ka bogsadeen 117 qof.



