SAWIRO:-Shil sababay dhimasho & Dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Shilkaan oo ahaa mid Gaari,isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Fagax qeybta degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Shilkan ayaa yimid,kadib markii Gaari nooca Caragediska oo ka yimid dhinaca Isgoyska Sanca uu fariin goostay uuna bur buriyay Goobo Ganaci,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in shilka uu ku geeriyooday hal Ruux laba kalena uu dhaawac culus kasoo gaaray.

Qofka shilka ku dhintay oo Wiil Dhalinyro ahaa iyo labada qof ee dhaawaca culus gaaray ayaa labaduba waxaa ay ahaayeen kuwo wadada marayay, iyada oo dadka dhaawacamay loo qaaday mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugan Isgoyska Fagax ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay,waxaana ay qabteen wadihii Gaariga, iyaga oo geeyay Saldhiga Booliska degmada Yaaqshiid.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca shilal gaari oo sababa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burburun hantiyadeed,waxaana taasi loo sababeynayaa wadooyinka qaar oo burbrusan iyo Gawaarida oo xowli ku socda.