Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa booqday halka ay ka socoto dhismaha wadada hobyo iyo Gaalkacyo ee ay gacanta ku hayso GOB.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa safarka ku wehlinaya ayaa halkaasi kula kulmay madaxda GOB, isagoo warbixin kaga dhagaystay halkaasi.
Madaxweynaha ayaa balan qaaday dhamaystirla wadadaan imay qeybta ugu badam ka qaadan doonto Dowladda Galmudug. Isagoo amaan u jeediyay Masuuliyiinta ku howlan dhismaha wadada iskaa wax uqabso lagu dhisay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan sidoo kale ay bilaabi doonaan dhismaha dekedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
Madaxweyne Qoorqoor iyo Wafdigiisa ayaa hadda kusii jeedda degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaasi oo lagu waddo in uu kula kulmo bulshada.



