Galmudug oo ku dhawaaqday inay la wareegeyso Garoomada Diyaaradaha

Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqday inay la wareegayso dhamaan Garoomada Diyaaradaha ku yaalla Degaanada Galmudug.

Garoomada oo badankood Shaqeeyaa ayaa waxaa haatan  gacanta ku haaya Shaqsiyaad iyo Shirkaddo Gaar loo leeyahay,kuwaas oo qaata dhaqaalaha kasoo xarooda.

Warqad kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug C/risaaq Maxamed Maxamuud ayaa lagu sheegay in markii la arkay baahida loo qabo hirgelinta nidaamka dowladnimada iyo markii la tixgeliyay duruufaha Amni ee deegaannada Galmudug la go’aansaday in lala wareego Garoomada Diyaaradaha.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa horey ula wareegay Kastamyada degaanada Galmudug iyo Ciidamo iyo Gadiidkooda, kadib tallaabooyin dhowr ah ay qaadeen Wasaaradaha Amniga iyo Maamliyadda Galmudug.