Kenya oo sheegtay inay dishay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegay in weerar qasaare dhimasho iyo dhaawac geystay uu ka dhacay magaalada Mandheera ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya,kadib kooxo hubaysan oo halkaasi weerar ka geystay.

Jeremiah Kosoim oo kamid ah saraakiisha ciidamada Ammaanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada amnigu ay toogasho ku dileen 2 kamid ah koox hubaysan oo weerar ka geystay magaalada Mandheera oo uu sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in raggaasi ay isku dayayeen in ay burburiyaan xarun isgaarsiin oo halkaasi ku taala,waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay hal sarkaal oo Kenyan ah iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah,sida uu baahiyaya TVGA (Aljazeera).

Weli majirto faah faahin dheeraad ah oo laga soo saaray weerarkaasi ka dhacay Mandheera,iyada oo inta badan Al-Shabaab ay weerarad nuucaan ah ka geystaan gudaha dalka Kenya.