Dhageyso:-Laba kamid ah Senatorada Aqalka sare oo bedelay mowqifkoodii

Senator Iftiin Baasto iyo Senator Axmed Xaashi oo labaduba kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare ee kasoo jeeda deegaannada Jubbaland ayaa waxaa ay ka hadleen mowqifkooda ku aadan sida ay u arkaan shirka ka socda dalka Jabuuti.

Senator Iftiin Baasto ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wada-hadallada Madaxda Dowladda Federaalka & Soomaaliland uga furmay Jabuuti,isla markaana ay tahay tallaabo horay loo qaaday.

Waxaa uu sheegay in markii hore uu aaminsanaa in mira geed saaran aan loo daadin kuwo Gunta ku jira oo uu ula jeedo inay muhiim tahay in lala heshiiyo dowlad Goboleedyada,taasina uu madaweynaha bilaabay,kadib qoraalkii Villa Somalia ay ku aqoonsatay doorashadii Kismaayo.

Dhinaca kale Senator Axmed Xaashi ayaa dhankiisa taageeray Shirka Jabuuti,waxaana uu sheegay in midnimada Soomaaliya la raadiyo ay tahay mid muqadas ah oo cid walba looga baahan yahay.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in Soomaaliya ay kala maqnaato aysan wax dan ah ugu jirin dadka Soomaaliyeed,waxaana uu sheegay in shirkaan uu aaminsan yahay inay kasoo bixi doonaan qodobo u wanaagsan dadka Soomaaliyeed laguna sixi doono wixii dhacay.