Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wajiga labaad ee aruurinta maleeshiyo beeleedyada ay ka bilaabeen deegaannada gobolka Galgaduud.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Fiqi ayaa booqasho ku tagay xerada Dhaanka-roone ee dhacda duleedka Galbeed ee Galinsoor iyo xero kale oo ku taalla duleedka Cadaado, halkaas oo la qorsheeyey in maleeshiyadka hubeysan lagu xareeyo si ay uga mid noqdaan Ciidamada Galmudug.
Wasiirka Amniga Galmudug waxaa uu sheegay inay guda galayaan xareynta maleeshiyaadka,isla markaana laga dhigi doono Ciidamada daraawsiihta Galmudug.
Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa horay u xareysay maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug,kuwaas oo tababar looga furay Xero ku taalla duleedka Magaalada Gaalkacyo.



