Koonfur Afrika waxay Diwaangalisay kororkeedii ugu badnaa ee maalin keliya ee kiisaska coronavirus, iyadoo la diwaangaliyay 3,359 Xaaladood shalay oo kaliyah.
Warbixin cusub oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in Koonfur Afrika ay hadda diwaangalisay in ka badan 61,9270 xaaladood, ama in kabadan rubuc kiisaska guud ahaan qaaradda Afrika oo ay ku jiraan 1,354 dhimasho.
Ku dhawaad saddex-meelood laba meelood kiisaska Koonfur Afrika waxay ku sugan yihiin gobolka Galbeedka Cape oo xuddun u ah magaalada Cape Town.
Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka ee Afrika ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu ku socda Wadadii ay mareen Yurub iyo Mareykanka, islamarkaana loo baahan yahay in gurmad deg deg ah.
In ka badan 7.6 milyan oo qof ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ ugu yaraan 424,000 ayaa u dhintey, sida laga soo xigtay xogta jaamacadda Johns Hopkins.



