Mas’uuliyiinta magaalada Beijing ayaa si ku meel gaar ah u xiray suuq weyn oo ku yaalla Bartamaha Magaalada ka dib markii Guddiga Caafimaadka Qaranka (NHC) ay soo sheegeen lix xaaladood oo cusub oo Corona virus ah oo laga helay Xaafadda Suuqo ku yaallo.
Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in ugu yaraan laba ka mid ah dadka cudurka qaba ay booqdeen suuqa Xinfadi.
Maamulka ayaa sheegay in dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya suuqa laga baaray viruska.
Waxay sidoo kale xireen suuqa kalluunka ee Jingshen waxayna amar ku bixiyeen in la baaro iyo dhammaan suuqyada cuntada jumlada ah ee ku yaal magaalada Beijing.
Magaalada Beijing ayaa soo bandhigtay kiiskeedii ugu horreeyay oo gudaha lagu kala qaado in ka badan todobo ruux shalay oo jimco aheyd.



