Dib u xasuuso dadaallada Aqalka Sare ee ku aadan Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddi ka kooban sagaal (9) xubnood kuwaas oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan sidii la’isugu soo dhawayn lahaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka si loo dhameeyo arrimaha dhexyaala loogana wada xaajoodo hannaanka doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalka sannadka soo socda.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Senetor Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Senator C/raxmaan Faroole, Senator C/risaaq Jurile, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Xuseen Sheekh Maxamed, Senator Cusmaan Dufle, Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator C/llaahi Cabdi Garuun iyo Senator Muxiyaddiin Sheekh Cali Jaamac.


Xubnahaan uu Magacaabay waxaa ku jira kuwo si weyn uga soo horjeedda Xukuumadda hadda jirta iyo sidoo kale xubno taageersan laguna tiriyo in ay ku dhow yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Durbadiiba waxaa taageero u muujiyay madasha Xisbiyadda Qaran oo ay hoggaamiyaan Siyaasiyiin dalka soo maamulay Sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ay sheegeen in ay sugayaan dadaallada Aqalka Sare, maadaama Xukuumada Soomaaliya ay ku fashilan tahay isugu keenida labadda dhinac.

Dib u xasuuso dadaallada Aqalka Sare ee ku aadan Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

October 23, 2017 Aqalka Sare ayaa Guddi u saaray Khilaafka Dowladda Federaalka ah Iyo Dowlad Goboleedyada.

September 15, 2018 Qoraal ka soo baxay aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay magacyada xubno guddiyo dhowr ah oo golaha Senate-ka ay u kala direen dowlad goboleedyada, iyadoo la doonayo in xal loogu helo khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.


Nov 27, 2018 Guddi loo xil saaray soo Afjaridda Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaa ayna sheegeen in la xaliyay Khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda federaalka Iyo kuwa Dowlada Goboleedyadda.

Laakiin xubnaha Aqalka Sare ee loo xil saaro Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ayaa ku eedeeya Xukuumadda Soomaaliya in aysan fulin qodobada ay soo saaraan si khilaafka xal loogu helo.