Puntland oo diiwaangelisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta soo bandhigay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus oo labadii maalmood ee las oo dhaafay la baaray,kuwaas oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.

Qoraal kasoo baxay Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la baaray 25 qof balse Cudurka laga helay 5 Ruux, kuwaas oo dhamaantood rag ah.

Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Saddex Ruux Gobolada Nugaal, hal labada kale ay ku sugan yihiin Gobolka Bari ,isla markaana haatan dadkaasi Cudurka laga helay ay ku jiraan xaalad karantiil ah.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay gaartay 209 qof Halka 6 qof ay u geeriyoodeen xanuunka,waxaana ka bogsooday 56 Ruux.

Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda ku darto warbixinadeeda maalin laha ah.