Hay’adaha Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faah faahin ka bixiyeen howlgallo ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo,kadib weerar bambaano oo habeen ka hor ka dhacay Suuqa Golole ee Magaaladaasi.
Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax Raage oo ka tirsan Saraakiisha Nabad Suggida Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay in weerarka bambaano lagu qaaday maqaaxi ku taalla agagaarka Aargada Magaalada Kismaayo,isla markaana hal ruux uu ku geeriyooday tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxaa uu sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay oo ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay la Shaqeyaan Al-Shabaab kana dambeeyeen weerarkaas,isla markaana ay baaris ku wadaan lana kala saari doono.
Ugu dambeyn Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Faarax Raage oo ka tirsan Saraakiisha Nabad Suggida Jubbaland waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo inay laamaha Amniga la Shaqeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada.



