Somaliland oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Soomaaliland ayaa Maanta ku dhawaaqday natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay inla baaray 59 Ruux balse 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 9 Rag ah Afar  Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 9 Ruux Magaalada Hargeysa, halka 4 kale ay ku sugan yihiin Magaalada Berbera.

Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 479 Ruux 81 Qof ay ka bogsoodeen halka 26 Ruux ay u geeriyoodeen.