Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxaa ay ka hadleen khudbadii maalin ka hor uu Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furitaankii kal-fadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada Aqal.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in khudbadaadi ay aheyd mid aan looga hadal dhacdooyinkii ka dhacay dalka,balse uu Madaxweyne Farmaajo goobta la tegay faan iyo hanjabaad.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay saamileyda Siyaasadeed ee dalka in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah si dalka loo badbaadiyo dadkana loo samatabixiyo.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Xisbiga Wadajir.





