Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 17 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 14 Rag ah Saddex Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 6 Ruux Magaalada Hargeysa, halka 11 kale ay ku sugan yihiin Magaalada Burco.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 430 Ruux 64 Qof ay ka bogsoodeen halka 24 Ruux ay u geeriyoodeen.



