Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta firimbi lagu yeeriyay xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland wuxuu sheegay inuu saluugay qodobada uu madaxweynaha kusoo qaatay khudbaddiisa.
“Xildhibaannadu deegaannadooda dhibaato ayaa lagu hayaa, deegaannadoodu cunaqabateyn ayaa saaran. Anigu Jubaland ayaan ka soo jeedaa dadkeyga waa la cunaqabateeyay, Gedo waxa ka dhacaya waad u jeedaa,” ayuu yiri xildhibaan Xasan.
Waxa uu sheegay in fursadda keliya ee ay madaxweynaha dareenkooda ku gaarsiin kareen ay ahayd kulanka maanta.



