Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo Ciidanka Itoobiya lagula eegtay Baay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay Wadada xiriisa degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ee gobolka Bay.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ayaa qaraxyo Miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay  meel u dhow degmada Qansaxdheere, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidanka Itoobiyo iyo Al-Shabaab.

Dad ku sugan Qansaxdheere ayaa Idaacadda Risaala ee Muqdisho waxa ay u sheegeen in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo qaraxaasi kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya,hayeeshee ay dadka u diidayaan in ay tagaan goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidanka Itoobiya ayaa soo gaaray degmada Qansaxdheere oo u socdeen.

Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya wadada xiriirisa Qansaxdheere iyo Bardaale ayaa waxa ay sheegayaan in jawiga uu yahay mid degan,islamarkaana isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ay sidii hore kusoo laabteen,kadib markii ay hakad galeen xilligii qaraxa uu dhacay.