Shirkaddaha Baraha bulshada oo cuuryaamiyay Muuqaal uu soo dhigo Madaxweyne Trump

Shirkaddaha Twitter, Facebook  iyo Instagram ayaa curyaamiyey Muuqaallada Madaxweyne Donald Trump ee George Floyd iyo dadka Banaanbaxyada ay kaga soo horjeeddaan.

Shirkaddahaan ayaa qaarkood ku eedeeyay Madaxweyne Trump in soo bandhigo Muuqaallo ay ka muuqdaan takoor, sidoo kale Muuqaallada qaarkood in uusan xuquuq ahaan la aheyn.

Maalintii shalay aheyd waxa ay qariyeen  sawirro iyo fiidiyooyo dibadbaxyo mudaaharaad ah iyo dhacdooyin rabshado ah oo ka dhashay dhimashadii Floyd intii uu ku sugnaa xabsiga booliiska ee gobolka Minnesota uu soo dhigay Madaxweyne Trump.

Afhayeenka Shirkadda  Facebook Andy Stone wuxuu u sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka dhan Muuqaallada Madaxweyne Trump oo ka dhan ah dadka Madowga ah.

“Waxaan helnay cabasho xuquuq lahaansho Muuqaal uu adeegsaday Madaxweyne Trump, waxaana qasab nagu noqotay in aan meesha ka saarno   sida ku xusan Sharciga Millennium Digital” ayuu yiri Afhayeenka Facebook.