Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in deegaannada Maamulkaas uu kusii faafayo Cudurka Coronavirus,isla markaana dowladda Federaalka looga baahan yahay inay usoo gurmato.
Wasiir dowlaha caafimaadka Galmudug Axmed Mire Cali (Faafaale) ayaa sheegay in degmada Cabudwaaq ay wajaheysaa xaalad halis ah oo ku saabsan Coronavirus,isla markaana lagu arkay dad badan oo leh Cudurka COVID-19.
Waxaa uu sheegay inay jiraan dad Cudurka Coronavirus ugu dhintay Cabudwaaq halka kuwo kale ay la jiifaan,waxaana uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay gurmad dhinaca Caafimaadka la soo gaarto deegaannada Galmudug.