Ciyaaryahan Maxkamad Loo Soo Taagay Maanta Inuu Tacadi Galmo U Geystay Gabar 14 Sanno Jir Ah

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Bradford City ayaa ka soo muuqday maxkamad uu qadka muuqaalka ka soo galay iyadoo loo heysto inuu tacadi galmo kula kacay gabar 14 sanno jir ah.

Tyrell Robinson oo 22 sanno jir ah ayaa ka soo muuqday maxkamada Bradford Magistrates’ Court maanta oo Talaado ah isagoo loo heysto inuu tacadi galmo u geystay ilmo yar, isagoo ka qaaday sawiro islamarkaana la sii wadaagay dad kale.

Dhageysiga dacwadiisa ayaa dib loo bilaabi doonaa 16ka bishaan Juun.

Codkiisa lagama maqli karin qolka maxkamada laakiin waxa uu taagay gacantiisa si uu u xaqiijiyo magaciisa, taariikhda uu dhashay iyo halka uu degan yahay, iyadoo maxkamada ay dhageysatay dacwadiisa muddo 10 daqiiqo ah.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa waxaa ceyrisay kooxda Bradford bilowgii sannadkan ka dib markii ay boliiska ku soo eedeeyeen ciyaaryahanka inuu ku kacag tacadi galmo oo ka dhan ah caruurta.

Robinson waxaa lagu eedeynayaa inuu taabtaabtay gabar 14 sanno jir ah oo degan Bradford 13kii bishii Agoosto ee 2018. Isla taariikhdaas waxa uu sawiro qaawan oo gabadha ah ku wadaagay Snapchat.

Robinson waxaa sidoo kale lagu eedeynayaa inuu sawir kale oo caruur ah uu ku wadaagay WhatsApp.