Kiisaska Cudurka Covid 19 ee degaanada Puntland oo gaaray 192 qof

Waxaa laga baaray 32 qof waxaana xanuunka laga helay 7 qof, waxaana soo bogsaday 3 qof degaanada Puntland 24 kii Saac ee lasoo dhaafay.

7 qof ee xanuunka laga helay 6 waa rag, halna waa Dumar, waxaana da’doodu udhaxaysaa 27-70 Jir.

Dadka xanuunka laga helay ayaa kala jooga 3 qof Bosaaso, 3 qof Galkacyo iyo hal qof Garowe

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa hada gaartay 192 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka bogsashasa la diiwan geliyey ay tahay 19 qof.