Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo askari kale ku dilay magaalada Kismaayo.
Askariga xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Anas Axmed Islaam ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu si bareer ah u dilay Aadan Cabdi Bille oo ahaa Darawalkii Hanti dhowraha Jubbaland.
Dacwad Ooge Saddex Xidigle Nuur Xasan Axmed oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegay in 28-kii Bishii May uu Dable Anas Axmed Islaam askari kale uu dilay,hayeeshee baaris kadib lagu cadeeyay in uu si bareera ah uu dilkaasi u geystay.
Guddoomiye kuxigeenka Maxakamadda Ciidamada Jubbaland Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in kadib markii Maxkamadda ay dhageysatay eedeynta Xeer ilaalinta iyo cadeymaha la soo bandhigay in dable Anas Axmed Islaam lagu xkumay dil toogasho taa soo ah qisaastii Marxuum Aadan Cabdi Bille.