Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay hadalkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa doorasho loo dhan yahay oo waqtigeeda ku dhacda, sidoo kale waxay dowladdu ugu baaqeen inay ka dhabeyso hadalkaas, ayna aqbasho qabashada shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed.
Waxaa ay sidoo kale ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay cadeyso maqaamka gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale xusay in dhammaan Saamileyda Siyaasadeed laga doonaayo in ay diyaar u noqdaan doorasho ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.