Dowladda Soomaaliya oo deeq Caafimaad gaarsiisay Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa Maanta Deeq Daawa ah kala wareegtay Xubno ka socday Guddiga Gurmadka Qaran ee Corone virus ee Xafiiska Raysul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiir ku xegeenka Wasaaradda Caafimaadka Mahad Caabi Ciise ayaa gudoomay deeqdaan o la geeyay Magaalada Gaalkacyo si loga hortago Cudurka COVID-19 oo kiisas kamid ah laga helay deegaannada Galmudug.

Munaasabad lagula wareegayay deeqdaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Amniga, wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Wasiir ku xegeeno iyo Xubno Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ka tirsan.

Wasiir ku xegeenka Wasaaradda Caafimaadka Mahad Caabi Ciise ayaa uga mahad celiyay Deeqdaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre, wuxuuna sheegey inay wax badan ka tari doonto la tacaalidda Caabuqa Covid 19 ee Gobolka mudug.