Qarax lala beegsaday Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya

Sidda ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Balcad qarax ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada milatariga dawladda Soomaaliya.

Gaariga Qaraxa lala beegsaday ayaa maraayay degaanka lagu Magacaabo Gololey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qaraxa lala beegsaday Ciidanka.

Degaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa inta badan miimooyinka ku aasa ururka Al-Shabaab.