Mareykanka: Xaafad ay ku badan yihiin Soomalida oo uu fara ba’an ku hayo Corona

Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in xaafadda Cedar-Riverside ee ay sida weyn u degaan Soomaalida uu fara ba’an ku hayo Fayraska Korona.

Tirakoob la sameeyay ayaa muujinaya in boqolkiiba 6 kiisaska magaaladaasi laga helay xaafaddaasi, gaar ahaan dadka ku nool dhismayaasha dhaadheer.

Maxamuud Axmed Nuur waa wakiilka Baarlamaanka Minnesota ku metala deegaanka 60B, ayaa BBC u sheegay in feyriska Corona uu saameyn ba’an uu ku yeeshay xaafadda uu matalo.

” Cudurka loo yaqaano Corona Feyris saameyn weyn buu ku yeeshay xaafadda aan matalo, dad badan isbataalada ayay ku jiraan, ” ayuu yiri Mr Nuur.

Maxamuud Axmed Nuur ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu cudurka ugu faafay xaafada Cedar-Riverside ay tahay dadka oo dagan guriyo hal goob ka dhisan islamarkana ay dadka si sahlan isugu gudbin karaan.

” Dadka xaafadda dagan badankood ma aha kuwa dagan guriyo gaar ah, waa guriyaha loo yaqaano Apartment oo dad badan ay wada dagan yihiin ay wada isticmaalayaan hal Wiish, meelaha dharka lagu dhaqdo waa hal meel ” ayuu yiri Mr Nuur.