Galmudug oo Wafdi u dirtay deegaan ay xiisad ka taagan tahay

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa wafdi wasiiro ah waxaa ay u dirtay deegaanka Saaxqurun ee gobolka Mudug,halkaas oo la sheegay inay isku hor-fadhiyaan Ciidamada DANAB qeybta 1aad iyo maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan.

Xiisadaan ayaa ka dambeysay,kadib amrkii dhawaan Ciidamada DANAB ay soo xireen Nin caanka ahaa deegaannada Gobolka Mudug,balse maleeshiyaad ka careysan xarigaasi ay weerareen Xerada Ciidamada DANAB ee Magaalada gaalkacyo.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Saaxo si xal looga gaaro ama loo kala qaado Ciidamada DANAB iyo maleeshiyaadka hubeysan ee ishor-fadhiya.

Wasiir Fiqi ayaa wada dadaal xiisada lagu qaboojinayo isagoo qorsheynaya in lasoo wareejiyo maleeshiyaadka falka weerarka ah lagu tuhmayo si looga baaqsado isku dhac markale ka dhaca deegaanka Saaxa-Qurun.

Dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray Ciidamada DANAB iyo maleeshiyaadka hubeysan ee Xerada Ciidamada weeraray.