Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa jugiisa waxaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in uu ka dhacay qeybo kamid ah degmada Waaberi ee Gobolkaan Banaadir.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso lala eegtay Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliya,xilli uu marayay Wadada weyn ee  Xaafada Afisiyooni ee degmada Waaberi gaar ahaan Agagaarka Iskuulka Al-Masal.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ku dhaawacmeen laba hal ruux oo wadada marayay oo midi haweeney tahay ,isla maraana Gaarigii lala eegtay uu soo gaaray burbur,kaasoo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaariga uu watay  Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab) oo todobaadii hore Gaarigiisa qarax lagula eegtay agagaarka Isgoyska Banaadir.

Wararka kusoo kordha qaraxa kala socda www.radiorisaala.com