AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee Cudurka Corona Virus

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay billaabeen inay soo sheegaan warbixin bishii Janaayo, mas’uuliyiinta Shiinaha waxay diiwaan geliyeen 0 Cudurka Corona Virus.

Brazil ayaa xaqiijisay in guud ahaan 330,890 xaaladood oo ah cudurka coronavirus, ay dhaaftay Russia si ay u noqoto meesha labaad ee adduunka ee COVID-19.

Qiyaastii 80 milyan oo dhallaanka ah ayaa halis ugu jiri kara cudurrada looga hortagi karo tallaalka sida gawracatada, jadeecada iyo cudurka dabeysha oo ay sabab u yihiin carqaladeynta tallaalka joogtada ah ee sababa masiibada, hayadaha UN-ka ayaa ka digaya.

Iran ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday in ay dib u fureyso ganacsiyada, masaajidada iyo goobaha dhaqanka, xilli dalkaasi uu isku dayayo inuu dabciyo xannibaadihii loo soo rogay xakameynta faafitaanka COVID-19.

In ka badan 5.2 milyan oo dad ah oo ku nool daafaha dunida ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’, sida laga soo xigtay xogta ay soo aruurisay Jaamacadda Johns Hopkins.

In ka badan 338,000 oo qof ayaa ku dhintay adduunka oo dhan halka laba milyan oo qofna ay soo kabsadeen.